Saturday, August 30, 2008

Tabantaabo

Ma ogtahay inta aad nooshahay in aad TAABBI karto wax kasta oo aad ku hayso maankaaga, siiba marka aad leedahay HIMAD SARE; isla markaana hal ujeedkaagu uu yahay in aad hiigsato mustaqbal fiican oo leh AAYATIIN wacan?

Haddaba marna ha ka quusan wanaagga & hiyiga aad ku hayso niyada sidii aad taabbogal uga dhiggi lahayd ama aad u gaari lahayd. Quustu nafta iyo nolosha waa ku liddi waxaanay difiicisaa xubnaha jirka ee abuura firfircoonida ku teedsan niyadda san; waxaanay taasi keentaa caajis ku dhaxalsiiya guuldaro & ciil. Ku sifee naftaada astaanta MAQUUSTENIMADA. Horay waxaa loo yiri: Doonaa waa Gaaraa!... Where there is a will, there is a way..

..... Insha Allah, I'll have to be back to do more blogging in the up coming few days, weeks, months, Insha Allah! But for now, thanks for visiting; that has been really appreciated!

May PEACE & blessings be upon us, and RAMMADDAAN KARIIM!


RUGTA Dhiiri-gellinta & Dhacdooyinka Maalin kasta...